Sarkaal ka tirsanaa Ilaalada Madaxtooyada oo ku dhintay weearkii Hotelka SYL

11 Dec 2019 (Puntlandes) Maxamuud Ismaaciil Warsame (Muuf) oo ahaa Sarkaal ka tirsanaa Ururka 60aad Ilaalada Madaxtooyada ee Ciidamada Xoogga dalka ayaa ku geeriyooday weerarkii xalay Ciidamada Ammaanka soo afjareen ee Hotelka SYL.

Sarkaalkan ayaa ka mid ahaa saraakiishii u horeeysay ee ka tirsanaa Ilaalada Madaxtooyada ee u gurmaday Hotelka SYL, kaddib markii ay gudaha hotelka soo galeen rag hubeysan oo ka tirsanaa Alshabaab.

Maxamuud Ismaaciil ayaa ka qeyb qaadanayay howlgalkii lagu badbaadinayay dadkii ku jiray Hotelka SYL, illaa markii dambe oo naftiisa huray.

Taliye kuxigeenkii hore Nabadsugida C/salaan Guuleed ayaa sheegay in Maxamuud Ismaaciil uu si dhow u garanayay, sanadkii 2009-kii uu bartay, xilligaasoo uu ka mid ahaa Ilaalada Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar C/rashiid.

Waxaa uu sheegay inuu ahaa Sarkaal caan ahaa oo si dhow ula soo shaqeeyay Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee soo maray.

Muuqaal hoose waxaa uu ka sheekeynayaa inuu ka mid ahaa ciidamadii u horeeyay ee Baydhabo ka howlagalayay ee lagu aas aasay Ciidanka xoogga dalka, xilligii dowladdii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, isla markaana dowladnimada ka soo bilaabatay Baydhabo.


Puntlandes.com

About The Author