Madaxweynaha Dowladda Puntland Oo Guddoomiye Ku Meel Gaar Ah U Magacaabay Degmada Carmo ee Gobolka Bari.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr.06 January 8, 2020 ku magacaabay Guddoomiyaha Ku meel gaarka ah ee degmada Carmo ee Gobolka Bari.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo dardargelinta howlaha shaqo ee Degmada Carmo.

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waaya-aragnimadiisa Shaqo.

Markuu tixgeliyey: Talo soojeedinta Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey :

1. Waxaa Maxamed Ibraahim Faarax si ku meel gaar loogu magacaabay Guddomiyaha Degmada Carmo ee Gobolka Bari

Xeerkan wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

=DHAMMAAD=

Gudoomiyaha cusub wuxuu ka mid ahaa Xubno xabsiga loo dhigay inay aqbaleen lacag 150 Kun oo Dollar oo dowladda Federaalk ugu deeqday dhismaha wadadada laamiga ee bartamaha Bosaso.

Puntlandes.com

About The Author