Sawiro: Raysul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo loo doortay Gudoomiyaha Madasha Midnimada Dimoqraadiyada

Kulan maalmihii la soo dhaafay u socday madal ay ku mideysanaayeen siyaasiyiin, aqoonyahano, Xisbiyada siyaasada, kudlooyinkii Baarlamaanka ayaa maanta la soo gaba gabeeyay, waxaana kulankan lagu doortay Gudoomiye uu yeesho Madasha Midnimada Dimoqraadiyada Soomaaliyeed.

Madasha lagu dhisay kulanka ayaa loogu magac daray Midnimada Dimoqoraadiyada Soomaaliyeed ,waxaana gabagabadii Dhismaha Madashaas loo sameeyey Munaasbad aad u u balaaran oo ay ka qayb galeen qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed .

Madasha Midnimada Dimoqoraadiyada Soomaaliyeed ayaa Gudoomiye loogu doortay Raysul Wasaarihii hore ee Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed, waxaa Gudoomiye ku xigeen 1aad loo doortay Dr Cabdiraxmaan Macalin Cabdulaahi (Baadiyow) halka Gudoomiye ku Xigeenka 2aad loo doortay Xuseen Carab Ciise , Gudoomiye ku xigeenka 3aadna loo doortay Dr Cabdishakuur Shiikh Xasan Fiqi , Xoghayaha Guud waxaa loo doortay Dr Cali Maxamed Maxamuud ( Cali Xareed ).

Gudoomiyaha Madasha Midnimada Dimoqoraadiyada Soomaaliyeed Dr Cabdiweli Shiikh Axmed oo gaba gabadii khudbad ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in Madashu aysan cidna Cadow ku ahayn, isla markaana wixii wanaag ah ay kula shaqeynayaan dowladda Soomaaliya, hadii ay ahaayeen wixii tallo iyo naseexo ah.

Ugu dambeyntii waxaa hadalo kooban ka jeediyay kulanka, xubnihii la doortay, waxayna dhamaantood ka sinaayeen in Madasha Midnimada Dimoqoraadiyada Soomaaliyeed ay ku hogaamin doonaan si Soomaalinimo iyo Cadaalad , sidoo kale waxay sheegeen in Madasha ay u furan yihiin Mawaadiniinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan laguna soo dhaweynayo Gacmo Furan.

madasha (1)madasha (8)madasha (7)madasha (6)madasha (5)madasha (4)madasha (3)

 

Puntlandes.com

About The Author