DFS oo soo saartay Waaran Caalami oo lagu soo qabanayo wasiir Janan

04 Feb 2020 (Puntlandes) Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u dalbatay Waaran Caalami ah (Intercontinental Warranty) oo loogu soo gacan gelinayo Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Janan, kaasoo todobaadkii hore ka baxsaday guri ku yaal Muqdisho oo Ciidamada Amniga Soomaaliya ku heysay.

War saxaafadeed ka soo baxay Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya Hey’adda Booliska Caalamiga ee Interpol, si loogu maxkamadeeyo eedeysanahan lagu soo oogay dambiyo la xiriira tacadiyo ka dhan ah xuquuqul Insaanka iyo ku tacaddiga muwaadiniin aan waxba galabsan.

Sidoo kale dowladda Federaalka ayaa ka cosatay dhiggeeda Kenya in sida ugu dhaqsiyaha badan u soo qabato una soo wareejiso eedeysane C/rashiid Janan.

Hoose ka akhriso war saxaafadeedka

WARSAXAAFADEED

Dowlada Federaalka Soomaaliya waxa ay si rasmi ah u dalbatay waaran caalami ah (international warrant) oo loogu soo gacan gelinayo eedaysane Cabdirashid Xasan Cabdinuur (Janan), kaas oo ka baxsaday caddaaladda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay arrinkaas xiriir kala sameysay Hay’adda Boliiska Caalamiga ah ee INTERPOL, si loogu maxkamadeeyo eedaysanahan lagu soo oogay danbiyo la xiriira tacadiyo ka dhan ah xuquuqul insaanka iyo ku tacaddiga muwaadiniin aan waxba galabsan.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay dhiggeeda dalka Kenya ka codsatay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u soo qabato, una soo wareejiso eedeeysane Cabdirashid Xasan Cabdinuur (Janan), arrinkaas oo xoojinaya dadaallada heer Gobol ee ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo adkeynta xasilloonida.

Nidaamka Cadaaladeed ee dalkeenu waxa uu leeyahay habraacyo munaasib ah oo ku saleysan dhageysiga iyo xaqiijinta dacwadaha, iyadoo la dhowrayo xuquuqda aasaasiga ah ee aadanaha, sidaas darteed ma ahan wax la aqbali karo in eedaysane baxsad ka ah caddaaladda uu gabbaad ka dhigto dal daris

Puntlandes.com

About The Author