Wasaaradda Waxbarada DFS oo shir ka dhan ardayday Puntland ku qabatay Muqdisho

06 Feb 2020 (Puntlandes) Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay shir ay ku casuuntay maamulada ay maamusho ee Koonfur Galbeed, HirShabeelle iyo Galmudug qaybta Dhuusamareeb, shirkaas oo ay wasaaraddu ugu magac darta shir DFS iyo dowlad Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir.

Shirkaas kama aysan qayb gelin Puntland iyo Jubaland, waana taas sababta loo sheegi waayey dawlad goboleedyada kasoo qaybgalay. Madaxda DFS ayaa siyaasadaynaya mustaqbalka kumaamkun oo ka mid ah ardayda Soomaaliyeed, kuwaas oo xaq u leh inay helaan Shahaadadooda.

Shirka oo ujeedkiisu ahaa in madaxda DFS ku xalaalaysato inay Shahaadada u diido ardayda ka qalinjabisa dugsiyada sare ee Puntland waxayna u dhignaayeen qodobadii kasoo baxay:

1 Qorshaha imtixaanka Qaranka Fasalka 8-aad iyo Fasalka12-aad si looga baaraandago qorshayaasha xiga ee soo aadan iyo Ansixinta Qorshaha imtixaanka Fasalka 12-aad oo ah waajibaad Qaran oo dhawaan la galayo.

2-In la dhowro mas’uuliyadda dastuuriga ah ee ku saabsan hubinta helitaanka adeegyo Waxbarasho oo tayo leh oo ay helaan ardayda Soomaaliyeed.

3- Sidoo kale waxaa la isla gartay xaqiiqada ku qotanta in la hirgeliyo iyo in la xaqiijiyo hab mideysan oo ardayda loo siinayo shahaadada dugsiga sare iyo in la qaado imtixaanka shahaadiga ah oo mideysan dalka oo dhan.

4-Waxaa la isku raacay in la qaado imtixaan shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2019/2020 inta u dhaxeysa 15 ilaa iyo 29 Abriil, waxana la isla gartay in arday kasta oo aan galin imtixaanka shahaadiga ah ee mideysan uusan xaq u yeelaneyn in uu helo shahaadada ay bixiso Wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

5-Sidookale waxaa la isla gartay in ardaydii ku dhacday imtixaankii laga soo gudbay ay ka qeyb galaan imtixaanka islamarkaan ay hadda xaq u leeyihiin in ay ka qeyb galaan imtixaan sanad dugsiyeedka 2019/2020-ka si waafaqsan sharuudaha iyo hab raacyada kale ee u dagsan imtixaanka Qaranka.

Waxaa la isku raacay in dowlaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, ay dajiyaan islamarkaan ay qaadaan imtixaanka fasalka 8 –aad ee dugsiyada Hoose iyo dhexe si loo hubiyo sugnaanta iyo tayada waxbarashada ardaga u soo gudbaya heerka fasalka 1-aad ee dugsiga Sare.

Sidoo kale shirku waxa uu ku booriyay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, in ay xaqiijiso hirgalinta iyo badqabka shahaadada Qaranka oo sumcad balaaran ku leh caalamka intiisa kale .

Ugu danbeeyntii xubnaha shirka ka qeyb galay waxa ay ugu baaqeen Wasaaradda Waxbarashada Maamulka Puntland in ay ku soo biiraan hannaanka Waxbarashada dalka, isla markaana ay doorkooda ka qaataan mideynta iyo tayada waxbarashada ee uu dalku leeyahay si loo badbaadiyo mustaqbalka ardayda Soomaaliyeed.

About The Author