Puntland oo toogatay laba kamid ah xukmanayaashii dilkii Caa’isha Ilyaas

11 Feb 2020 (Puntlandes) Dowladda Puntland ayaa saaka oo Talaado ah qisaastay laba  xukmane oo lagu helay Kiiskii kufsiga iyo dilka ee Caa’isha Ilyaas.

Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige ayaa lagu qisaasay fagaare ku yaalla magaalada Bosaso, halka Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame laga reebay.

Xukmanaha saddexaad ayaa mudda 10 cisha ah dib loo dhigay kiiskiisa, kadib markii uu sidaasi codsaday Ilyaas Aaden oo ah aabbaha dhalay Caa’isha.

Raggaasi, ayaa maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Nugaal, waxay dil toogasho ah ku ridday 12-May-2019, Xukunkaasi oo maxkamadda Rafcaankuna ku raacday 30-June-2019.

Sidoo kale, maxkamadda sare ee Puntland ayaa 25-kii August 2019, si rasmiya u ayidday dilkii lagu riday saddexda xukmane, balse cabasho ay xukunka ka qaateen ayey mar kale maxkamadda sare laashay 23-ka October 2019.

24-kii February 2019 Caa’isha Ilyaas Aaden oo da’deeda lagu sheegay 12-sano jir, ayaa lagu waayay xaafadda Siinaay ee Waqooyiga Gaalkacyo kadib markii adeeg loo diray.

Maalintii xigtay  ee 25-kii February 2019, Subax aroortii ayaa aga’gaarka gurigooda laga helay maydkeeda oo kufsi iyo jir dil ba’an loo geystay.

Dhacdadaasi, ayaa bulshada Soomaaliyeed ka dhex dhalisay fal-celin xooggan oo ku wajahan, in ay caddaalad hesho gabadhaasi yare e Caa’isha Ilyaas.

Puntlandes.com

About The Author