Taliye Xijaar “Amniga dalka meel xun buu marayaa, Kaamirooyinkii in la qarxiyo ayaa la gaaray”

11 Feb 2020 (Puntlandes) Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Xijaar ayaa sheegay in ammaanka dalka uu meel xun marayo, isagoo xusay in dalka amnigiisa lagu soo duulay.

Gen. Xijaar oo ka hadlayay kulan looga hadlayay isku xirka howlaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo maanta ka furmay Muqdisho ayaa ugu baaqay Hey’adda Socdaalka inay koontaroosho dadka dalka soo galaya.

“Amniga dalka meel xun buu marayaa, amniga waa lagu soo duulay, kaamirooyinkii lagu xiro waddooyinka in la qarxiyo ayaa la gaaray, dalka horumarkiisa ayaa la diidan yahay, Injineerada waddooyinka dhisaya ayaa la qarxiyaaa, waxaa la diidan yahay ummadda inay xasisho”ayuu yiri Jen. Xijaar.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay inay muhiim tahay wada shaqeynta Hey’adda Socdaalka iyo Booliska, isla markaana ka wada qeyb qaataan ilaalinta amniga iyo koontaroolka dadka dalka soo galaya.

Puntlandes.com

About The Author