Sawirro: Shirka dib u eegista Dastuurka oo lagu soo gaba-gabeeyay Muqdisho

19 Feb 2020 (Puntlandes) Wasiir ku xigeenka wasaaradda Dastuurka Soomaaliya, Dr; Xuseen Cabdi Cilmi ayaa soo xiray kulan looga hadlayay dib u eegista Dastuurka.

Kulanka oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Dastuurka iyo Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa waxaa looga dooday hannaanka faderaaleynta, maaliyadda, awood qeybsiga, nidaamka caddaaladda iyo amniga, maqaamka Muqdisho, kheyraad-wadaaga, nooca qaab-dhismeedka Dowladda iyo qodobbo kale oo muhiim u ah dhameystirka Dastuurka.

Wasiir Ku-xigeenka ayaa u mahad celiyay wasaaradaha, hay’adaha Dowladda iyo kuwa caalamiga ah ee ka qayb qaatay 18-kii Cisho ee ay socdeen kulamo-howleedyada, isagoo si ah u dul istaagan kaalinkii ay ku lahayd Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.

Wuxuuna sheegay in ay rajeynayaan qaban-qaabada banbax-howleed ay yeelan doonaan Golaha Wasiirrada, iyada oo la horgeeyn doono arrimihii laga shaqeeyay intii ay socdeen kulamadan.

Wasaaradda Dastuurka ayaa lagu wadaa in Sanadkan gudahiisa ay dhameystirto dib u eegista Dastuurka, iyada oo xoojineysa wada shaqeynta kala dhaxeeysa dhamaan Guddiyada iyo hay’adaha kale ee Dowladda ee ku lugta leh arrimaha Dastuurka ee u baahan in heshiis siyaasadeed laga gaaro.

 


Puntlandes.com

About The Author