Madaxweynaha DFS oo Addis Ababa looga yeeray

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh ayaa galabta si kedis ah ugu ambabaxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, saacado uun ka dib markii uu ka soo laabtay dalka Jarmalka oo uu baaritaan Caafimaad ugu maqnaa.

Warar ay heleyso Puntlandes.com ayaa sheegaya in safarka Madaxweynaha uu uu deg dega ku aaday dalka Itoobiya ay ka dambeysay markii looga yeeray halkaas in uu si dhaqso ah ku yimaado.

Faahfaahin lagama hayo waxa lagala hadlayo oo loogu yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh.

culusow1

Iilaa iyo iminka ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Madaxtooyada DFS oo ku aadan safarka Madaxweynaha galabta ugu ambabaxay Addis Ababa iyo cida uu halkaas kula kulmayo, inkastoo lagu sheegay in xubno ka tirsan beesha Caalamka uu la kulmi doono.

Puntlandes.com

About The Author