Daawo Video: Mr Dhagaweyne oo ku naaxay Hantidii ummadda ka dhaxaysay oo isku faaninaya Qalab ay Beesha Caalamka ugu deeqday Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo

Gaalkacyo (Pes) Iyadoo warbaahinta Puntlandes.com ay wax badan Toosh ku ifisay dhibaatada baaxada wayn ee maamul xumo iyo Boob Hanti ummaddeed ee ku dul habsatay shacabwaynaha Xalaalquudatada ah ee Gobolka Mudug iyadoo ay BOOB ku hayaan Gobolka Mudug iyo Xaruntiisa Gaalkacyo KOOX uu Hogaamiyo ninka ku magacaaban Xisaabiyaha aan dhicin ee Wasaarada Maaliyada Puntland ee Gobolka Mudug Mr Gaadayare uuna ninka labaad ka yahay Maareeyaha aan isna dhicin ee Abdulahi Yusuf Airport Mr Dhagaweyne.

Gobolka Mudug oo dhaqaale aad u tiro badan uu ka soo xarooda waxaa si bareer ah u BOOBA Canshuurtii mawaadiniinta Gobolka Mudug ay u bixiyeen in loogu adeego Kooxda Gaadayare uu Hogaamiyo uuna ninka labaad ka yahay Dhagawayne.

1639
Gaadayare iyo Dhawayne

 

Waxaa wax lagu qoslo ah Mr Dhagaweyne oo aan lagu baran sida Gaadayare in uu ka soo dhex muuqdo saxaafada in uu maanta is hayn waayey isagoo soo bandhigay qalab sanad ka hor loo qaybiyey Garoomada diyaaradaha Soomaaliya oo dhan. Waxaas waxaa ka keenay Culayska ka soo foodsaaray waynta uu waayey lacagtii faraha badnayd ee uu ka heli jiray ”Canshuurda” Qaadka oo uu waayey ka dib markii ay joojiyeen ganacsatadii ka keni jirtay Qaada dalka Kenya

Waan run hadalka uu yiri Mr Dhagaweyne oo ahaa in uu suuq fiican haysto Garoonku!! Laakiin muxuu ka qabtay Mr Dhagawayne Garroonka diyaaradaha Gaalkacyo oo uu BOOBAYEY mudada ku 25 ka sano , hoos ka eeg meesha Terminalka u ah Garoonka. Muxuu Mr Dhagaweyne geedka hoostiisa xataa ugu habayn waayey dad isticmaala garoonka oo uu ka qaato lacag farabdan oo uu ugu yeero “Canshuur” alla reer Mudug Fiicanaa oo dulqaad badanaa waxay waayeen madax si daacadnimo iyo alle ka cabsi waxay u dhiibtaan ugu maamula.

1359
Terminalka Abdulahi Yusuf Airport

 

 

Daawo Videowga

Puntlandes.com

About The Author