DHAGEYSO DOOD KULUL: Puntland Ma u Baahantahay Badbaado? Madaxweyne Gaas Maxaa uqabsoomay?

1640

Akhristayaasha Sharafta leh halkaan waxaa idin kugu soo gudbinaynaa Dood kulul oo ku saabsan xaalada hatan Puntland ay kujirto kadib halso uu Madaxwayne C/wali Maxamed Cali Gaas Talada Dalka hayey. Iyadoo ay Puntland iminka u baahan tahay dib u eegid wayn iyo dabaqabasho haddii kale loo yaabo.

1 sano ayaa ka soo wareegatay markii Baarlamaanka Puntland ay Madaxweyne u doorteen Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo horey u soo noqday Ra’isul wasaaraha Xukuumada Soomaaliya.

Hal sano kadib Wax-qabadka Madaxweyne Cabdiwali Gaas iyo Xukuumadiisa Waa sidee

Dr. Cabdiwali Muxuu  qabtay isaga iyo xukuumadisa ? Maka soo baxay Balantii uu Shacabka ka qaaday oo eheed in Mudo 3 Bil Gudahood uu ku dhisi doono Maxkamada Dastuuriga.

Maxaa Sabab u ah Amni xumida ku soo korordhay Magaalooyinka kala duwan ee Puntland, Maxaa Mushaaraadka Ciidanka ay u Bixin La’dahay?

Qodobobaasi iyo kuwa kale ayaan jeclahay in aynu Maanta ku soo qaadano Barnamijka Guuxa Dadweynaha waxaana igala qeyb galay Aqoonyahada kala ah.

Eng. Saciid Cabdulaahi Uurcad
Qadar Qaambe Guhaad
iyo Sayid Xabiib Yaasiin Xirsi oo ku kala sugnaa Dalalka Ingriiska, Austria iyo Mareykanka.

DHEGAYSO DOOD

Puntlandes.com

About The Author