Ganacsiga Bosaso oo albaabada loo laabay

26 Feb 2020 (Puntlandes) Inta badan ganacsiga magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari ayaa maanta xiran, iyadoo Bosaso ay tahay xarunta ganacsiga Puntland.

Ganacsatada magaalada, ayaa ka cabanaya canshuurta iibka, oo dhawaan ay dawladdu soo rogtay, taas oo ku jirtay miisaaniyaddii uu ansixiyey Baarlamaanka Puntland.

Shacabka Bosaso ayaa saaka oo Arbaco ah ku waabariistay goobaha ganacsiga oo xiran, sidoo kale Dekeda ayaa maalintii afraad waxaa taala alaabtii ganacsatada uga soo dagi jirtay.

Sidoo kale waxaa jira gaadiid kaantaroolka magaalada ugu xaniban canshuur. Wasaaradda Maaliyadda Puntland wali kama hadlin cabashada ganacsatada Bosaso oo walaac ka muujiyey canshuurta iibka.

Cabashada ganacsatada Bosaso, ayaa ku soo aadaysa, iyadoo magaalada uu ku sugan yahay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni

Puntlandes.com

About The Author