DFS oo ku dhowaaqday inay qaadeyso tallaabooyin ka dhan ah farogelinta Kenya

27 Feb 2020 (Puntlandes) Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in Kenya ay farogelin xooggan ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya, waxayna ugu baaqday inay si deg deg ah u joojiso.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ugu yeeraysaa Dowladda Kenya in ay si deg-deg ah u joojiso xadgudubyada ka dhanka ah madaxbannaanida Soomaaliya iyo falalka xasillooni darrada ah ee ay ka waddo xuduudda labada dal,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Soomaaliya waxay sheegtay in muddo badan ka dhur-sugaysay in hoggaanka dalka Kenya ay garowsadaan muhiimadda xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo iskaashiga dhaqan-dhaqaale, amni iyo siyaasad ee ka dhexeeya labada shacab iyo labada dowladood.

“Soomaaliya waxaa ka ka go’an in ay qaaddo tallaabo kasta oo diblumaasiyadeed oo ay ku gudaneyso waajibaadkeeda dastuuriga ah ee la xiriira ilaalinta midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda.” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Soomaaliya ayaa bogaadisay hiilka dalalka Gobolka iyo guud ahaan Qaaradda Afrika ee sida walaaltinimada leh ugu soo gurmaday shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, iyagoona u soo diray ciidamo ka qeyb qaata in dalka laga xoreeyo argagixisada.

“Balse Soomaaliya waxa ay adkaynaysaa in aysan marnaba aqbalayn in dalalka qeybta ka ah howl-galka Ciidanka Nabad Ilaalinta Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ay u adeegsadaan xubinnimadooda dano u gaar ah, faragelinta arrimaha gudaha iyo hab ka baxsan awoodda sharciyeed ee ay ku joogaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Hoos ka akhriso

Puntlandes.com

About The Author