Akhri: Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Facebook ga ka amaanaya ku xigeen Gudoomiya Degmada Gaalkacyo

 

1642

Gaalkacyo (Pes) Mar ay Warbaahinta madaxabanaan ee Puntlandes.com uu soo indho indheeyey Facebook ga ayaa waxaa si la yaab leh u soo jiidatay markuu arkay madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Xaaji Cumar Camey oo Facebooka ga ka amaanaya ku xigeenka Gudoomiyaha Degmada Gaalkayo Yacquub Maxamed Cabdalla.  Waxaana aad moodaa in uu madaxweyne ku xigeenka Puntland uu aad ugu riyaaqsan yahay ”Like” iyo Commentiga ay dadka ka bixinayaan qoraalkiisa.

Qoraalka uu soo dhigay madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Xaaji Cumar Camey bartiisa uu Facebooga ku leeyahay ayuu ku leeyahay sidatan ”G.Xigeenka Degmada Gaalkacayo Yacqub Nin Dhalinyara Oo Firfircoon Weye, Howl Karna Ah, Isbedel Cusubna U Bilabey Degmada Gaalkacayo”
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Xaaji Cumar Camey ayaa qoraalkiisa ku soo gabagabaynaya ”MAHADSANID GUDOMIYE”

1369

Maxaa keenay in madaxweyne ku xigeenka Puntland uu Facebooga ka amaano ku xigeenka Gudoomiyaha Degmada Gaalkayo Yacquub Maxamed Cabdalla ma waayey si kale? Mise wax uu qabtuu waayey? Waxaa kaloo fiicnaan lahayd in uu Madaxweyne ku xigeenku sharaxaad ka bixiyo isbedelka iyo shaqada uu qabtay ku xigeenka Gudoomiyaha Degmada Gaalkayo? Waxaa lala socdaa in uu ku xigeenka Gudoomiyaha Degmada Gaalkayo dalka ka maqan yahay in mudo ah isagoo jooga UAE.

About The Author