Soomaaliya: Tirada dadka u dhintay Cvid19 oo korortay (muuqaal)

11b2a4

15 April  2020 (Puntlandes) DFS ayaa sheegtay inay korodhay tirada dadka u dhintay cudurka Covid-19, taas oo haatan gaartay 5 kadib markii maanta ay 3 qof oo cusub cudurka u dhimatay.

Sidoo kale Dawladda Soomaaliyaayaa waxay sheegtay in la diiwaan geliyey 20 xaaladood oo cusub oo cudurkaas ah, taasina waxay tirada guud ee dadka uu ku dhacay cudurka ee Soomaaliya ka dhigaysaa 80 qof.

Wasiirka Caafimaadka DFS Fowsiya Abiikar Nuur ayaa ugu baaqday dadka Soomaaliyeed inay qaataan talooyinka caafimaad ee qaybta ka ah qorshaha xakameynta cudurka maadaama, ayey tiri, uu cudurka si xawaare leh dalka ugu faafayo.

Puntlandes.com

About The Author