Puntland oo amartay in ciidan loo adeegsado joojinta Salaadaha Jameecada in lagu dukado Masaajidada
18 April 2020 (Puntlandes) Xukuumadda Puntland ayaa amartay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado, masaajidda aan weli u hoggaansamin amarkii ka soo baxay dowladda, ee lagu joojiyay salaadaha jimcaha iyo Jameecaadka masaajidda, si looga hortago xanuunka COVID-19.
Guddiga ayaa Laamaha Amniga faray, in ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan cid kasta oo u hoggaansami weyda dhaqan-gelinta go’aankaasi dowladda, si loo ilaaliyo badqabka dadweynaha isu’gu imaanaya masaajidda.
Go’aankaas ayaa ku soo beegmay, maalin kadib markii uu masaajidda ka dhaqan-geli waayay amarkii Puntland soo saartay ee lagu joojiyay salaadaha jimcaha iyo jameecaadka masaajidda, sababa la xiriira faafidda COVID-19.
Puntlandes.com
