Puntland oo xaqiijisay kiis ugu horreeyay ee Covid-19
19 April 2020 (Puntlandes) Guddiga Puntland u qaabilsan ka hortagga iyo wacyi-gelinta xanuunka Covid-19 ayaa haatan shaaciyay in kiiskii ugu horreeyay xanuunka Coronavirus laga helay Puntland.
Inkasta oo Guddiga uusan shacaacin meesha uu qofkaasi ku sugan yahay, ayaa hadana ilo xog ogaal ah oo dhanka caafimaadka ah waxay sheegayaan in uu ku sugan yahayb magaalada Garowe caasimada Puntland.
Puntlandes.com