Daawo Video: Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay xarumaha Caafimaad ee lagula tacaalayo Bukaannada COVID-19

8g3

20 April  2020 (Puntlandes) Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda federaalka Soomaaliya Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa maanta ka war bixisay xaaladdii ugu dambeeyay ee COVID-19.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur oo shir jaraa’id ku qabatay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegtay in dadaallada is-daba joogga ah ee dowladdu sameysay awgeed lagu guuleystay qorshayaal badan oo qayb ka ahaa dadaallada lagu xakameynayo COVID-19.

Wasiirka Caafimaadka iyo la taliyaha nidaamka caafimaadka, Cabdirisaaq Yuusuf Axmed, ayaa shirka jaraa’id kadib waxay ka jawaabeen su’aalo laga weydiiyay arriamah ku xeetay COVID-19.

Dowladda Soomaaliya ayaa waday dadaalo lagu kordhinayo xarumaya lagula tacaalo dadka qaba cudurka Coronavirus, iyadoo tirada dadka haatan lala tacaalayo ay gaarayaan in ka badan 100 ruux.

Puntlandes.com

About The Author