Daawo Video: Puntland oo sheegtay inaysan soo gaarin lacagtii malyanka dolar ee ay DFS shaacisay
23 April 2020 (Puntlandes) Xukuumadda Puntland ayaa xaqiijisay in aysan waxba ka soo gaarin lacag min hal malyan ah oo dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay in ay u fasaxday dowlad goboleedyada ka dhisan dalka.
Wasiirka oo Warbaahintu weydiisay in ay Puntland soo gaartay Lacagtii Federaalku sheegay in loo fasaxay dowlad goboleedyada? ayaa ku jawaabay in Lacagtaas aysan Puntland weli ka helin dowladda dhexe.
Hadalka wasiirka Puntland ayaa ku soo beegmay maalin kadib markii dowlad goboleedka Jubaland ay sheegtay in aysan waxba ka soo gaarin Lacagtii dowladda Soomaaliya u fasaxday dowlad goboleedyada si loogu isticmaalo la tacaalidda COVID-19
Puntlandes.com