Akhriso Axmed Fiqi “Ma jiraan wax iska kay bedelay ee kaliya waxa igu soo kordhay xil kale”

9b1a7

25 April  2020 (Puntlandes) Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa markii u horeysay ka hadlay go’aankii uu ku gaaray inuu ka mid noqdo Maamulka Galmudug, kaddib markii madaxweyne Qoorqoor u magacaabay xilka Wasiirka Amniga Gudaha ee Galmudug.

Fiqi ayaa sheegay in aanay jirin wax iska bedelay aragtidiisii siyaasadeed, balse uu xil kale qabtay, carro-gedisasho cusub iyo aaggii uu ka howl geli jiray oo is bedelay.

Waxaa uu sheegay in mabaa’diida iyo qiyamka qof aaminsan yahay aanay aheyn wax guur guura, ama is bed-bedela is bedelka cimilada, deegaanka iyo xilka.

 

Akhriso warsaxaafaeed uu ku shaaciyey bartiisa Facebooga


Puntlandes.com

About The Author