Daawo Video: DFS oo sheegtay in tirada dadka qaba iyo kuwa u dhintay cudurka COVID-19 ay Kordheen

8n7

26 April  2020 (Puntlandes) Dawladda Federaalka ayaa xaqiijiyay in laba ruux oo kamid ah dadkii laga helay cudurka COVID-19 ay geeriyoodeen, 62 xaalada cusub ay soo kordheen 24-kii saac ee ugu dambeeyay.

Shan kamid ah xaaladaha cusub waxaa laga diiwaan geliyay Puntiland, 41-ka kale waxay ku sugan yihiin gobalka Banaadir. 33 kamid ah waa rag, 13-ka kalana waa haween.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur, oo xubin ka ah guddiga kahor tagga COVID-19 ayaa sidoo kale sheegtay in xanuunka ay ka bogsoodeen laba ruux oo kale taas oo 10 ruux ka dhigeysa tirada guud ee ka caafimaaday cudurkaan.

Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa noqotay 390 ruux, bukaannada dalka ugu geeriyooday guud ahaan waxay noqdeen 18 ruux.


Puntlandes.com

About The Author