Dowladda Puntland oo uga tacsiyaysay Dowladda iyo shacabka Jabuuti geerida AUN Wasiirka Maalgashiga ee Madaxtooyada Jabuuti

10f4

Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay uga tacsiyaynaysaa Dowladda iyo shacabka Jabuuti geerida Alle ha u naxariistee Wasiirka Maalgashiga ee Madaxtooyada Jabuuti Cali Geelle Abubakar oo maanta ku geeriyooday dalkaasi.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan Goleyaasha Dowladda iyo kan shacabka Puntland-ba waxa uu tacsi u dirayaa, eheladii asxaabtii, qaraabadii iyo Shacabka aan walaalaha nahay ee Dowladda Jabuuti, gaar aan Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Xukumadda dalkaasi ee uu ka baxay Marxuum Cali Geelle Abubakar, wuxuuna Eebbe uga baryey inuu Jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, uuna deris uga dhigo Rasuulkeenna Maxamed SCW, samir iyo imaanna ka siiyo eheladii, asxaabtii iyo qaraabadii marxuumka.

DHAMMAAD

About The Author