Wasiirka Amniga ”Haweeneydii fulisay Qarxii Hotel Central waxay dhashay lix Carruur ah”

Wasiirka Amniga DFS C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in haweeney ay ka mid ahayd labadii qof ee fuliyay weerarkii lagu laayey dadka aadka u farabadan ee lagu weeraray Hoteelka Central ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa wareysi uu VOA-da siiyay ku sheegay inay ka mid ahayd haweeneydu shaqaalaha Hoteelka Central ayna is-qarxisay markii uu dhacay qaraxii hore oo uu fuliyay qof rag ah, isagoo intaas ku daray inay ahayd hooyo dhashay lix carruur ah.

“Qaraxyadan waxay dhaliyeen khasaare badan oo dhimasho iyo dhaawac ah, waxayna ku dhaceen habacsanaanta dhanka ilaaladii hoteelka ah. Gabadha is-qarxisayna qaybta soo dhaweynta hoteelka ayay ka shaqeynaysay wayna is-qarxisay,” ayuu yiri wasiirka amniga DFS

Wuxuu kaloo wasiirka Amniga sheegay in weerarkan loo xiray laba mas’uul oo ka mid ah mas’uuliyiinta hoteelka iyo 13 ilaaladii hoteelka ka mid ah, waxaana dhammaantood wax laga weydiinayaa qaraxyada, si loo ogaado sidii qaraxyadu ku dhaceen.

Wasiirka ayaa intaas ku sii daray in markii ay eegeen ilaaladii hoteelka u diinwan-gashanaa ay ilaaladii waqtigii qaraxyadu dhacayeen hoteelka ku sugnaa ay ahaayeen kuwo aan ku jirin diiwaanka ilaalada hoteelka.

Wasiirka oo ka hadlaya inta ruux ee lagu dilay ama lagu dhaawacay weerakaas ayaa ku soo koobay oo kaliya “Dhimashadu waxay u dhexeysaa 25 illaa 28 qof, dhaawacyaduna waa 54-qof oo intooda badan dhaawacyadoodu fudud yihiin, shan ka mid ah dhaawacyada ayaa u baahan daweyn dheeraad ah,” ayuu wasiirku, iyadoo ay ka muuqato wasiirka in uusanba hayn tiro dhab ah ama uusan doonayn in uu sheego.

Mar wasiirka la weydiiyay in haweeneyda ay ka timid mid ka mid ah dalalka Yurub ayuu ku gaabsaday in xogta ay hayaan ay sheegayso inay ka timid mid ka mid ah dalalka Yurub, balse uusan doonayn inuu carrabka ku dhufto, sababo la xiriira baaritaannada arrintan oo weli socda.

“Haweeneydan waxaan maqalnay inay Yurub ka timid, ninkeediina uu Xamar ku dhintay, sababo uu u dhintayse aysan ogeyn, waxayna lahayd lix carruur ah oo labo-labo mataano u ahaa. Weligeed hoteelka ma seexan, balse waxay seexatay markii ugu horeysay maalintii qaraxyadu dhacayeen habeenkeedii,” ayuu yiri C/risaaq Cumar.

Dhanka kale, wasiirku wuxuu sheegay inay xog ku heleen in laba casho ka hor maalintii uu qaraxu dhacay ay lixdii carruurta ahaa ay hooyadeed u dirtay, balse aysan garanayn meesha ay hooyadu deggen tahay.

Ugu dambayntii hadalka Wasiirku wuxuu u muuqdaa mid aan waxba ogayn ama aan doonayn in uu dadka uu u sheego khasaarihii dhimasho iyo dhaawac ee uu dhaliyey weerarkaas Is-haligida ahaa ee lagu xasuuqay dadka aadka u farabadnaa iyagoo ka soo baxay salaadii Jimcaha.

Puntlandes.com

 

About The Author