Madaxweyne Gaas oo Xilkii ka qaaday Taliye Xigeenka Booliiska ka dib markii…

1674

Taliye ku-xigeenka ciidamada Booliska Puntland Gen Muxayadiin Axmad Muuse ayaa warar ay helayso Puntlandes waxay sheegayaan in madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas xil ka xayuubin uu ku sameeyey  markii uu ay Taliye Xigeen booliiska iyo madaxweyne Gaas isku fahmi waayeen siidayntii ninka Kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa Fulinta Amni xumada magaalada xarunta Garacsiga ee Puntland Bosaso.

Markii uu Gaas siidaayey ninkaas ka dambeeyey weerarkii Bosaso ayuu Taliye xigeenku soo gaaray Caasimada Puntland ee Garowe isagoo ku eedeeyey in Gaas iyo Xukuumadiisuba ay la shaqeeyaan Kooxda Al-Shabaab, Halkan ka akhri faahfaahin ay warbaahinta madaxbanaan ee Puntlandes.com ay ka qoraty arintan: Xog: Taliye Xigeenka Booliiska oo ku eedeeyey madaxweyne Gaas iyo Xukuumadiisa in ay la shaqeeyaan Al-Shaab

Xil ka qaadistaan ayaa sida wararka lagu helayo abuurtey khilaaf ka dhex abuurmay madaxtooyada Puntland iyo sarakiisha ciidamada qaarkood taasoo sababtey in ay abuurmay isku dayo lagu qaboojinayo xaaladan.

Madaxweyne Gaas ayaan weli ka hadlin khilaafkii ka dhashay sii daynta ninkii la siidaayey e eka dambeeyey weerarkii Bosaso.

Ugu dambayntii Puntland ayaa iminka ku sugan xaalad aad iyo aad u qatar badan waxayna qarka u saaran tahay in la waayo ama la dhaho waa jiri jirtay haddii aan la daba qaban oo aan la badbaadin.

Puntlandes.com

About The Author