Hirshabeelle oo taageertay go’aankii Aqalka Sare

10 Juni 2020 (Puntlandes) Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa taageeray go’aankii Guddiga Joogtada ee Aqalka Sare iyo baaqii Guddoomiye Cabdi Xaashi C/llaahi ee ahaa in la isugu yimaado shir wadatashi oo degdeg ah oo ay yeeshaan Madaxda Qaranka, dowlad goboleedyada iyo saamileyda siyaasadda.





War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Hirshabeelle Waare oo Soomaali iyo English ku qornaa ayaa lagu sheegay inay taageerayaan fikirka saliimka ah ee Aqalka sare ee ah in loo turo shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatooyin fara badan heysta, ayna qabaan in loo tanaasulo xaalada ay ku sugan yihiin.

“Dowlad goboleedka Hirshabelle waxay ayideysaa in kulan degdeg ah la isugu yimaado sida Guddiga joogtada Aqalka sare go’aamiyay, waxaan aaminsanahay  in wada hadal iyo is afgarad oo kaliya looga bixi karo xaaladaha na horyaala”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

Maamulka Hirshabeelle ayaa noqonaya maamulkii 3aad ee taageera Baaqii Aqalka Sare, waxaana uu xaalada ku sii xumeynayaa Madaxtooyada Villa Somalia oo hada weysay mid ka mid ah 3dii maamul goboleed ee raacsanaa.

Go’aankii Guddoomiyaha Aqalka Sare uu ka soo baxay ee ku saabsanaa qabashada shir degdeg ah oo ay isugu yimaadaan dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, si looga hadlo qabashada doorasho heshiis lagu yahay ka hor 25 bisha June ayaa Madaxtooyada ku noqday dhaawac siyaasadeed.





Akhriso qoraalka

Puntlandes.com

 

About The Author