Wufuuda Soomaaliya iyo Somaliland oo Gaaray Wadanka Turkiga

Wafuuddii wadohadalada uga qaybgelilahaa Soomaaliya iyo Somaliland ayaa gaaray dalka Turkiga,. wadahadalada ayaa furmaya maalinta barri ah.

Waxaa hogaaminaya wefdiga Somaliland,Wasiirka Amuuraha dibada  Somaliland Maxamed Biixi Yoonis waxaa kale oo  ka mid ah  Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirkii hore ee Xanaanada Xoolaha oo haatan loo magcaabay wasiirka Arrimaha qoyska, Wasiirka Hawlaha Guud, Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka iyo xubno kale.

Wefdiga Somaliya ka socda, ayaa waxaa hogaaminaya Wasiirka Arrimaha Gudaha C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), waxaana ka mid ah xubno ay ka mid yihiin Wasiirka Warfaafinta Maareeye, Gaadiidka & Duulista Hawada Jangeli, Saciid Jaamac Qorsheel, oo ah xildhibaan soona noqday Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada iyo masuuliyiin kale.

Puntlandes.com

About The Author