Sawirro: Madaxweyne Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaaladda Gaalkacayo ee xarunta Gobolka Mudug (muuqaal)

25 june 2020 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaaladda Gaalkacayo ee xarunta Gobolka Mudug.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee Gaalkacayo kusoo dhoweeyay, xubno ka mid ah labada gole ee Dowladda oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Maamulka Gobolka iyo kan degmada, Saraakiisha Amniga ee Gobolka iyo qeybaha kale ee Bulshada Gobolka Mudug.

Madaxweyne Deni ayaa inta uu joogo Mudug waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Masuuliyiinta iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka Mudug.






Puntlandes.com

About The Author