Daahir Geelle: Matalaad Gobolka Banaadir waa in waafajiyaa dastuurka

01 July  2020 (Puntlandes) Wasiirkii hore ee warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa waxa uu uga hadlay xeerka metelaadda gobolka Banaadir oo Sabtidii lasoo dhaafay ay ansixiyeen qaar ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.






Daahir Geelle oo u waramay Idaacadda VOA sheegay in dowladda federaalka aysan wadadii ku habooneyd u marin sidii ay Muqdisho ku heli laheyd metelaadeeda, oo uu sheegay in aysan hadda waafaqsaneyn dastuurka dalka.

Daahir ayaa sidoo kale sheegay in Muqdisho ay xaq u leedahay inay hesho metelaad, balse loo baahnaa in lagu raadiyo si wada ogol ah oo beelaha Soomaaliyeed ay raali ka wadayihiin.

Daahir Geelle  ayaa yiri “Si Soomaalidu isugu soo dhawaato, waxaa habooneed in dowladdu ay dhamaan dhinacyada kala fariisato arintan, iyadoo baarlamaankuna ay uga dambeyn doonaan, maadaama ay waqti badan heysato waxaa aad u habooneed inay kala tashato dhamaan dadka Soomaaliyeed, waliba aniga waxay ila tahay tirada la siiyey ka badan ayuu gobolka Banaadir mudanyahay,”

Isaga oo sii hadlayey ayii yiri, “Xeerka la ansixiyey ee metelada Muqdisho waxaa ka dhimaneed in dastuurka la waafajiyo oo bulshada Soomaaliyeed ay isla qaadato, marka dowladnimada hala waafajiyo metelaada Muqdisho.”

Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in dowladdu ay u muuqatay mid ansixinta xeerkaas ku hoos qarineysay barnaamijyo kale, sida warbixintii guddiga doorashooyinka iyo waxyaabo kale.

“Dowladdu waxay u muuqatay mid arintaas dhex galineysay warbixintii doorashooyinka iyo waxyaabo la halmaala, marka Muqdisho metelaad intaas ka badan wey mudantahay, laakiin hanaanka dastuurka in la waafajiyey u baahantahay, dadka Soomaalida ee wax kalehna waa in laga soo qanciyo, oo aan loo muujin wax lasoo dhacsaday inay tahay, Soomaali is qancis ayaa wax lagu soo wadi jiray ee soo dhacsasho wax laguma soo wadi jirin,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Daahir Geelle.

Puntlandes,com

About The Author