Faarax C/qaadir “DFS iyo Maamul Goboleedyada inay wada hadlaan waa arrin aas aasi u ah xasiloonida dalka”

02 July  2020 (Puntlandes) Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir oo soo noqday  Wasiirkii hore ee Cadaaladda iyo Dastuurka ee Xukuumaddii hore ayaa sheegay in dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada inay wada hadlaan ay tahay arrin aas aasi u ah xasilloonida dalka iyo jiritaanka Qaranimada.






Faarax C/qaadir oo ka qeyb galayay Dood ka baxeysay Telefishinka Somali Cabel ayaa sheegay in waxyaabaha la isku haayo ay ka mid tahay doorashada, isla markaana dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo dhinacyada kale ee siyaasadda talada ku leh ay tahay inay ka wada hadlaan.

“Dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka inay wada hadlaan waa arrin aas aasi u ah xasiloonida dalka iyo jiritaanka qaranimadeena waxyaabaha la isku heysto doorashada waa mid ka mid ah, doodda waxay tahay, haddii wixii la rabay la qaban waayo, waqtigii la rabay lagu qaban waayo waxaynu u baahanahay in aynu tashano”ayuu yiri Faarax C/qaadir.

Waxaa uu sheegay in dadka talada wax ku leh oo la’aantoo waxba socon karin ay ku jiraan maamul goboleedyada, ayna ka mid yihiin hoggaanka dalka ee dhisan sida Dastuurka ku qoran.

“Macno weyn ma yeelaneyso dalka inaa dhahno waa federaal oo inta wax dastuurka ka baxsan muddo dhaaf oo kale intuu yimaado oo la leeyahay anaga un ayay noo taal adiga shaqo kuma lihid”ayuu yiri Xildhibaan Faarax.

Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa la filayaa inuu wada hadalo uga furmo dhowaan magaalada Muqdisho, inkastoo Puntland iyo Jubbaland ay diidan yihiin inay ka soo qeyb galaan wada hadaladaas oo muhiim u ah geeddi socodka doorashooyinka in looga gaaro wadatashi ballaaran iyo is oggol.

Puntlandes.com

About The Author