Daawo Video: Sheekh Shariif oo fariin u diray Farmaajo “Doorasho kaligaa aad ogtahay oo aad miiska soo saareyso ma shaqeyneyso”

02 July  2020 (Puntlandes) Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Shariif Sheekh Axmed oo maanta ka hadlayay Munaasabadda 1-da Luulyo oo Madasha soo qaban qaabisay ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka, waxaana uu tilmaamay in aanay muuqan hab doorasho heshiis lagu yahay oo hada diyaar ah.






“Dowladda waxaa leenahay waqtiya la idin siiyay, waa la idinki ixtiraamay Waqtiga hadda waa gabogabo illaa hada nidaam iyo hab doorasho lagu aadayo ma muuqato, taas waxay sugaal gelineysaa xagee loo socdaa, dad badan waxay dhaheen doorasho ma rabaan, maxaa ka hadleysiin, haddii aysan doorasho rabin, see rabaan in la iskula joogo, doorasho ma rabtid noo sheeg mise doorasho waxaa rabtaa kaligaa aad ogtahay miiska aad soo saareyso ayadana ma shaqeyneyso”

Sidoo kale waxaa uu sheegay in jawi doorasho lagu galo aanay haatan muuqan, isla markaana hey’adaha dowladda, golaha Shacabka iyo Aqalka sare ay kala tageen oo aanay heshiis aheyn, loona baahan yahay dib u heshiisiin guud

“Doorasho waxay u baahan tahay jawigeeda in la diyaariyo, Jawiga ma diyaarsana, maanta haddii hab la isku waafaqo asigaa waqti u baahan oo doorasho lagu qabto, maxaa yeelay mid mid la socdo naguma jiro, waxaa ka soo qaadaa hey’adaha dowladda kaliya heer federaal iyo heer maamul goboleed ma wada shaqeeyaan, golaha shacabka iyo aqalka sare waa kala tageen.

Sheekh Shariif oo sii hadlayay ayaa yiri “Anaga dhan waxaa u baahanahay dib u heshiisiin, hey’adaha dowladda dib u heshiisiin u baahan, waxaa leeyahay waqtiga inta uusan tagin miiska imaada, talo waxaa heysiin keena colaad la idin ma qabo talaa la idinku daraa, annaga waxaa rabnaa qarankaan in uusan faraheena ka bixin, ummaddo badan burburay, kuwaa hadda burburaya, maxaa loo burburaa dastuurka ayaa la ogoleyn, dastuurka waa in la ogolaado”




Puntlandes.com

About The Author