Daawo Video: Khayre “Waxaan go’aasanaday in aan xilka iska casilo oo aanan qayb ka noqon qalalaase siyaasadeed”

25 July 2020 (Puntlandes)  Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo goor dhow la hadlay warbaahinta ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu hayay, isagoo sharci darro ku tilmaamay go’aankii Golaha Shacabak ee maanta ee sida degdega xilka looga qaaday.






Khayre oo ka muuqatay degenaan ayaa sheegay inuu u noqonayo Umadda Soomaaliyeed tusaale, isla markaana aanu dooneyn inuu qayb ka noqdo qalalaase siyaasadeed iyo mid amni oo dalka ka dhaca.

Kheyre ayaa yiri “Anigoo og wixii maanta ka dhacay Golaha Shacabka sharci darro yihiin, oo aan loo marin habraacii saxda ahaa ee xil ka qaadis xukuumadeed, anigoo og in aanay ku jirin ajandaha  anigoo og in aan laga doodin, in aan laga doodin, in aanay waafaqsaneyn dastuurka iyo shuruucda dalka, hadana waxaa go’aansaday inaan umadda soomaaliyeed u noqdo tusaale oo aan iska casilo xilka Umadda Soomaaliyeed u haayay anigoo dhowraya midnimada dalka, iyo in aan dib loogu laaban burburin, qeybna aan uga noqon qalqal siyaasadeed dalka ku dhaca, mid dhaqaale, mid amni”

Khayre ayaa  ahaa ra’iisul wasaarihii ugu mudada dheeraa Soomaaliya soo mara tan iyo burburkii dowladii hore ee Siyad Barre, waxaana hore u dhici jirtey in ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ay is khilaafaan oo xilka laga qaado.

Kheyre ayaa loo magacaabay ra’iisul Wasaare inuu ka noqdo dalka Soomaaliya 23kii Febraayo  2017.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxaa codka kalsoonida siiyay xildhibaanada baarlamaanka 1dii bishii March 2017kii waxana ansixisay xildhibaano gaaraya 231.


Puntlandes.com

About The Author