Sawirro: Madaxweyne Deni oo Sharci daro qorsheysneyd ku tilmaamay hab-dhaqankii Baarlamaanka Somalia ee lagu riday Raíisalwasaare Khayre (muuqaal)

27 July 2020 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay Shir-guddoomiyey kulan deg deg ah oo uu la qaatay xubnaha Golaha Wasiirada ee ku sugan Gaalkacyo iyo La taliyeyaal Madaxweyne oo sare.

Shirka ayaa looga hadlay xaaladda dalku marayo gaar ahaan tallaabadii Baarlamaanka Soomaaliya ku kacay 25-kii Luulyo 2020, ee ku saabsaneyd xilka qaadista Raíisalwasaarihii xukuumadda Xasan Cali Kheyre. Madaxweynaha ayaa bulshada la wadaagay in wixii ka dhacay Baarlamaanka ay ahayd Sharci daro isla markaana ujeedku yahay mid lagu burburinayo Shirka Dhuusamareeb laguna doonayo muddo kordhin.

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo ka hadlaya arrintan wuxuu yiri : –

“Wixii halkaasi ka dhacay waxay aheyd wixii quruxda badnaa ee kasoo baxay Shirkii Dhuusmareeb iyo yididiiladii la qabay ee ahayd in hore loo socdo, wax lagu xagal daacinayo oo la rabo in lagu burburiyo. Arrintaasi waxaan runtii masuuliyadeeda saaraya Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah oo aan dhihi karo dadkii meeshaasi isugu yimid si wanaagsan ulama dhaqmin, maxaa yeelay wixii uu noo sheegayey iyo waxaan ku heshiinay oo dhan wax aan aheyn ayuu ku dhaqaaqay.

Waxaan rabaa inaan Bulshada Soomaaliyeed u cadeeyo anigoo Dowladda Federaalka ah muddadii aan hadda wadashaqeynaynay ay wadashaqeyntadu aad u fiicneyn, kalana saareynin Madaxweynaha iyo Raíisalwasaaraha, Laakiin muddadii aan hada Galmudug joognay waxaa ii muuqeynaysay; Ra’iisalwasaaruhu inuu diyaar u ahaa waxii lagu heshiiyey inuu fuliyo, uu nagala hadlayey weliba waxyaabaha iyo sida uu ufuli doonto, uuna u hayey in dalka uu doorasho gaarsiiyo wakhtigeeda ku dhacda, oo suuragal ah oo u muuqata mida qofwalba uu filayey oo ah Doorasho dadban.

Xilka sida sharci darada ah looga qaaday, waxaa uu sababsaday in wixii Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha xubnaha ka ah ku heshiiyeen inuu daacad ka ahaa inuu fuliyo, cidda ka qaaday oo arrintaasi ka danbeysayna waxay u muuqanaysa wixii meeshaasi lagaga heshiiyey in aysan daacad ka aheyn oo ajande kale wadatay.

Baarlamaanku wixii shalay uu sameeyay waxaa muuqanaysa inuusan marin hab-raacyadii, Raíisalawasaaruhu xilku waa meerto, shalayba waa la magacaabay, Baarlamaanka ayaa ogolaaday, Baarlamaanku awood buu u leeyahay inuu ka qaado, Wixii shalay meesha ka dhacay waxay ka hor imaanaysay dhammaan Shuruucda dalka u daganeyd iyo hab-raacyadii lagu yaqaanay marka la rabo in la eedeeyo Raíisalwasaare oo la rabo in xukunka looga qaado.

Iyadoo aan eedayn loo soojeedin, iyadoo aan Ajandaha lagu darin, iyadoo aan loo codeynin, ayuu guddoomiyaha Baarlamaanku wuxuu ku dhawaaqay in xilkii laga qaaday, waxaase cajiib ah oo kasii daran in Madaxweynihii Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ku celcelin jiray waxaan illaalinaya Dastuurka, uu si deg deg ah ku aqbalay arrintaa sharci darada ah

Waxaa intaa ka daran in Raíisalwasaarihii oo Dhuusamareeb ka tegin inuu wareegto kusoo saaray, in uu xilka sii hayn doono Raíisalwasaare ku xigeenka, wuxuu Madaxweynuhu si cad ugu tuntay qodobka 103 ee Dastuurka oo cadeynaya Marka uu Raíisalwasaaraha xilka laga qaado ama uu iska casilo in uu xilka sii wadayo illaa uu la wareegayo qofka kale ee lasoo magacaabay, In Madaxweynuhu wareegto uu xilkii Raíisalwasaarah ku wareejiyo Raíisalwasaare ku xigeenka, iyaduna waa qodob Dastuuri ah oo la jebiyey oo runtii halis keenaysa.

Waxa aad u muuqanaysa Madaxweynuhu inuu diyaar u aheyn inuu dalka Doorasho geliyo, Madaxweynuhu inuusan diyaar u aheyn inuu dalka si dimuqraadiya u maamulo… Waxa ay waxani u dhaceen oo dhan inay tahay in lagu diidayo Shirkii lagu balansanaa 15kii Bisha Ogoosto in lagu qabto Dhuusamareeb, iyo in Guddigii Farsamada uu keeno wax dadka Soomaaliyeed ay ku heshiin karaan.

Waxaan dadka soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan u cadeynaynaa inaan raali ka aheyn sida wax u socdaan, aana ka digeyno dalka meesha uu ku socdo oo keeni karta kalsoonidii la dhisayey iyo dowladdii geedi socodkeeda la dhisayey iyo wanaagii laga shaqeynayey inay dhaawac weyn u keento oo ayna mugdi geliso dalka meesha uu ku wajahanyahay”



Puntalandes.com

About The Author