Daawo muuqal dhamaystiran C/raxmaan C/shakuur oo ku baaqay shirwayne qaran oo lagu badbaadinayo dalka

27 July 2020 (Puntlandes) Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warasme oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka digay qatar uu sheegay inay dalkaan ku yihiin Madaxweyne Farmaajo.



C/raxmaan C/shakuur ayaa ugu baaqay Madaxda maamul gobolleedyada, saamileeyda siyaasadda, Aqalka Sare iyo bulshada rayidka inay laga wadatashto aayaha dalka iyo xaaladda uu ku jiro.

“Waxaan  umadda Soomaaliyeed u sheegeeynaa in Madxaweyne Farmaajo dib u heshiisin rabin, inuu nabadda ka shaqeeyo rabin, in uusan doorasho rabin, rabana wada kasta uu kursiga ku joogi karo ku joogo”  ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur isagoo uga digay  qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada inaysan Madaxweyanah ku garab istaagin tallaabooyin uu ku tilmaamay in sharciga lagu duminayo.

Hoggaamiyaha Wadajir ayaa sheegay in beesha caalamka ay haatan ku soo baraarugtay qatarta uu dalka gelianayo Madaxweyne Farmaajo iyo taliska nabad Sugidda Qaranka, waaxa uuna  soo dhaweeyey hadalkii ka soo yeeray Dowladda  Mareeykanka ee ahaa in masuuliyiinta qaar ee dowladda ku jira yihiin qaswadayaal.

C/raxmaan C/shakuur  ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo qabto shir qaran oo dalka lagu badbaadinayo madaama  Madaxweyne Farmaajo doonayo xukunka  xoog ku jooga doorashana u socon dalkana uu rabo uu digreeto ku maamulo sida uu hadalka u dhigay, asagoona tusaalo u soo qaatay magacaabistii  Madaxweynaha ee Kusimaha Ra’iisul wasaaraha.

“Dalkaan badbaado ayuu u baahan yahay, waxaan qabaa in la helo qaab wadajir ah oo dalkaan xaaladdaan laga saarayo, haddii ay tahay Gole KMG ah oo dalkaan badbaadiya ama shir Qaran oo dalkaan lagu badbaadinayo, waa in dadka Soomaaliyeed tahsdaan”

Ugu dambeeyntii,  C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in seddexdii sanno ee ugu dambeeysay ay isaga iyo xibigiisa uga digayeen halista dowladnimada ay ku hayaan madaxweynaha iyo kooxdiisa.

Hoos ka daawo shirkii jaraa’id ee C/raxmaan C/shakuur


Puntlandes.com

About The Author