Sawirro: Madaxweyne Deni iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo lagu soo dhoweeyay deegaanka Daarasalaam ee Degmada Galdogob ee Gobolka Mudug.

06 August 2020 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhoweeyay deegaanka Daarasalaam oo ka tirsan Degmada Galdogob ee Gobolka Mudug.

Madaxweyne Deni ayaa dhagax dhigay Maxjarka Xoolaha ee deegaanka Daarasalaam, oo noqonaya xarun lagu xanaaneeyo oo lagu hayo Xoolaha.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kormeeray Kastamka Daarasalaam oo ah Bar-xuduudeedka Puntland iyo Ethiopia ee deegaankaasi iyo Saldhiga Daarasalaam.

Madaxweyne Deni intuu ku sugnaa Daarasalaam wuxuu xariga ka jaray MCH-ka deegaanka, isagoo sidoo kale daaf-furay Iskuulka deegaanka oo la balaariyey.

Ugu danbeyna Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay Suldaan Cabdirashiid Muuse Shire iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada deegaanka Daarasalaam .


Puntlandes.com

About The Author