Daawo muuqaal: Madaxweyne Deni oo booqday Mashruuca Horumarinta Bulshada Bursaalax

07 August 2020 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Sacid Cabdulahi Deni ayaa maanta booqday Mashruuca Horumarinta Bulshada Bursaalax, kaas oo si isku tashu ah ay shacabka degmadu ku soo wadeen ilaa iyo 2000kii.

Madaxweynaha ayaa waxaa Kusoo dhaweeyey Mashruuca Amiir Maxamud Yusuf Ciise, Agaasimaha Mashruuca Horumarinta Bulshada Bursaalax , Guddiga BoD ka Mashruuca, Siyaasiyiin iyo Nabadoono.

Warbixin kooban oo uu soo jeediyey mudane Ibrahim Cabdulahi Warsame iyo Gudoomiyaha Guddiga BoD ka Mudane Cabdifitah Maxamed Sugulle ayuu madaxweynuhu aad ugu riyaaqay qaabka isku tashiga leh ee loo aas aasay mashruucaan isla markaana loogu tanaaday wuxuuna balan qaaday inuu si dhow ula shaqayn doono.



Puntlandes.com

About The Author