Sawiro: Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Nicholas Kay”

Wasiirka Warfaafinta, Hidaha iyo Dalxiiska ee Xukuuamdda Soomaaliya Mudane maxmaed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa mAanta kulan la yeeshay Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire Nicholos Kay.

Kulanka ay wada yeesheen labada mas’uul ayaa waxaa uu ku saabsanaa dardargelinta taageerada ay Qaramada Midoobay siiso Soomaaliya iyo sidii loo horumarin lahaa Warbaahinta Qaranka,waxaana goob joogka ahaa qaar kamid ah Agaasimiyaasha Wasaaradda iyo la taliyiyaasha Wasiirka.

Danire Nichols Kay ayaa balan qaaday in Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ay wada shaqeyn joogto ah la sameyn doonaa isla markaana Xafiiskiisa door weyn ka qaadan doono kor u qaadida iyo tayaynta Warbaahinta Qaranka.

Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Hidaha iyo Dalxiika xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa uu ugu mahadceliayay balan qaadkiisa u aadan taageerada uu xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu siinaayo Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

DSC_0473

DSC_0493

DSC_0494

DSC_0498

DSC_0501

DSC_0504

Puntlandes.com

About The Author