Muxuu madaxweyne Dr Gaas uu ugu dhici la’yahay in uu booqdo Gobolka Mudug?

Gaalkacyo (Pes) Ilaa iyo november 2014 waxaa mar walba uu dib u dhigayey madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas booqasho ay u dhegtaagayeen shacabka Gobolka Mudug gaar ahaan xuruntiisa magaalada Gaalkacyo. Taageerayaashiisa ayey ka dhamaatay wax ay shacabka Mudug ku maaweeliyaan siday u lahaayeen Talaadaduu imanaya,, Axaduu ka dhigay, Todobaadka soo socda shir muhiim ah ayuu leeyahay shirka ka dibna wuxuu tagayaa Gaalkacyo IWM.

Warbaahinta madaxbaan ee Puntlandes ayaa mar ay wax ka waydiisay booqashada la filayo in uu Gaas ku yimaado Gobolka Mudug oday ka mid ah odoyaasha aadka looga yaqaan Gobolka Mudug wuxuu ku soo gaabiyey ”Adeer ninku qoyl ma leh, reer Mudugna ma jecla ruuxa sidiisa oo kale ah, haddii uu yimaadana isagaa gurigiisa iska yimid ee anaga waxba nagama gelin, in uu wax qaban karana maba aaminsanin”

Weerahaas kuma koobna ninkaas odayga ah ee waxaa la wadaaga inta badan shacabka Gobolka Mudug iyagoo ay reer Mudug isticmaalaan weertii caanka ahayd ”La mood noqonse waa” oo ay ula jeedaan sidaan ka filaynay Gaas ma noqon.

1639
Gaadayare iyo Dhagaweyne

Hadaba warbaahinta madaxbanaan ee Puntlandes ayaa isku hawshay in ay akhristayaasheeda u soo bandhigto sababta uu madaxweyne Gaas uga war wareegayo in uu booqdo Gobolka Mudug. Waxayna ogaatay in uu madaxweyne gaas cabsi uu ka qabo Kooxda Gaadayare iyo Dhagawayne oo ka talisa Gobolka Mudug uu ku dhici la’yahay in uu booqdo Gobolka Mudug iyo xaruntiisa Gaalkacyo.

Kooxdan oo abaala ku leh maadaama ay taageero dhaqaale siisay markuu u tartamayey kursiga madaxtinimada Puntland uguna hanjabtay in ay u adeegsandoonaan awood ciidan haddii uu isku dayo in uu xilalka ay haysteen 16 ilaa 24 ka sano ka qaado.

Shacabka Gobolka Mudug ayaa waxay ka filayeen maadaama uu reer Mudug yahay Dr Gaas in uu u damqandoono oo uu ka hor wareejindoona nimankan afduubka ku haysa Gobolka una diiday Horumar kalana qaybiya shacabka walaalaha ah ee Gobolka Mudug si ay xilalkooda ku sii haystaan.

Madaxweyne Gaas wuxuu rumaystay cabsi gelinta Kooxda Gaadayare ay cabsi geliyeen waana sabata keentay in uu tagiwaayo Gobolkan maxaa yeelay waxa qasab ku ah in uu wax uun isbedel ah shacabka u sheego hadduu tago Gobolka.

Shacabka Gobolka Mudug  ee dulqaadka badan ayaa marakan waxaa haysta tii ugu xumayd abid iyadoo uu amnigii faraha ka baxay uuna jiri jiro culaysyo siyaasadeed  oo uga imaanaya Kooxda talada Villa Soomaaliaya haysata ee Dam Jadiid.

Puntlandes.com

 

About The Author