Sawirro: Madaxweyne Deni oo Gaalkacyo kulan kula qaatay Isimada, Nabadoonada iyo Waxgaradka Gobolka Mudug (muuqaal)

Gaalkacyo: 10 August 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qasriga madaxtooyada ee magaaladda Gaalkacyo kulan kula qaatay Isimada, Nabadoonada iyo Waxgaradka Gobolka Mudug .

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Gobolka Mudug, isbedelka dhinaca amniga ah ee socda, howlgalada lagu sugayo amniga oo lagula dirirayo maandooriyaha iyo waxkastoo amni daro ah.

Madaxweynaha ayaa Isimada iyo Waxgaradka Gobolka la wadaagay qorshaha Dowladda ee ku aadan Gobolka, dhinacyada amniga, horumarka iyo dhismaha ciidamada.

Dhammaan Isimada, Nabadoonada iyo Waxgaradka Gobolka Mudug ayaa isku raacay in ay Dowladda kala shaqeeyaan Amniga iyo wax kasta oo Gobolka khuseeya, waxaana Isimada iyo Waxgaradku la wadaageen Dowladda inay garab taaganyihiin, diyaarna u yihiin inay kala shaqeeyaan howlgalka Gobolka looga nadiifinayo Maandooriyaha iyo dadka ka shaqeysta.

Kulanka waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab, Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baaralamaanka Dowladda Puntland Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada , Xildhibaano, Lataliyeyaal Madaxweyne, Maamulka Gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo iyo Saraakiil Ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.



Puntlandes.com

About The Author