Sawirro: Xoghaya Cusub ee Dowlada Hoose ee degmada Gaalkacyo oo xilka la wareegay

11 August 2020 (Puntlandes) Xarunta Dowlada Hoose ee degmada Gaalkacyo waxaa maanta dhacday Xaflad ay xilka kula kala wareegeen Xoghaya Cusub ee Dowlada Hoose ee degmada Gaalkacyo iyo Xoghayihii Hore.

Xaflada Xil wareejinta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa isu duwaha Wasaarada Arimaha Gudaha ee Gobalka mudug Saraakiil ka socotay Wasaarada Arimaha Gudaha Xoghayihii Hore ee Dowlada hoose ee Degmada Gaalkacyo Xoghayaha Cusub Duqa Degmada Gaalkacyo ku Xigeenkiisa qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha Degaanka iyo qaybo ka mid ah Agaasime Waaxeedyada Dowlada Hoose ee Degmada Gaalkacyo.

Xil wareejinta kadib Xoghayaha Cusub ee Dowlada Hoose ayaa waxa uu si rasmi ah ula wareegay Xafiiska Xoghayaha Dowlada Hoose ee Degmada Gaalkacyo.


Puntlandes.com

About The Author