War murtiyeed laga soo saaray Shirka Wasiirada Maaliyadda DFSe iyo DXDFS

11 August 2020 (Puntlandes) Waxaa la soo gabagabeeyay Shirka wasiiradda Maaliyadda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, shirkan oo labo cisho ka socday Hotelka Decale ee Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa maanta laga soo saaray War murtiyeed.

Shirkan ayaa la isku afgartay in si wanaagsan oo lagu wada qanacsan yahay loo qeybsado kabkii Miisaaniyadda. Hirgelinta nidaam canshuureed oo qiime ku saleysan kaasoo aan laheyn wax cabshuur kordhin balse muhiimadiisa tahay la jaanqaadka gamacsiga dunida iyo mideynta maamulka furdooyinka dalka

Sidoo kale waxaa lagu heshiiyay in dakhliga wadanka loo qeybsado qaab ka duwan qaabkii hore iyadoo arrintan loo saaro guddi farsamo si loo gaaro in wax lagu qeybsado qaab formula ah la isla ogol yahay.

Hoos ka akhriso


Puntlandes.com

About The Author