Madaxweyne Farmaajo oo maanta ku wajahan magalaada Dhuusamareeb

15 August 2020 (Puntlandes) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu gaaro maanta magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, halkaas oo uu ka furmi doona Shirka madaxda DFS iyo DXDFS.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa xaqiijiyay Safarka Madaxweynaha uu ku tagayo maanta Magaalada Dhuusamareeb iyadoo sidoo kale lagu wado in saaka uu la hadlo Madaxweyne Farmaajo baarlamaanka federalka.

Qoraal uu bartiisa facebook soo dhigey afhayeenka madaxtooyada ayaa u qornaa sidan;

“Iyada oo la tixraacayo dadaallada socda ee la xiriira dowlad-dhisidda iyo sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta ka dhaxeysa DFS iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah, horena loogu sii dhaqaajin lahaa wada hadalladii socday, ayuu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u safri doonaa berri magaalada Dhuusamareeb si uu u hoggaamiyo wareegga labaad ee Shirka Wadatashiga” ayuu yiri Madaxa Warfaafinta xafiiska Madaxweyne Farmaajo.

Puntlandes.com

About The Author