Sawirro-Gaalkacyo: Taliska Ciidammada Daraawiishta Dawladda Puntland ee Godod oo ay ka bilaabatay Diwaan galinta Ciidammada

25 August 2020 (Puntlandes) Taliska Ciidammada Daraawiishta Dawladda Puntland ee Godod ayaa waxaa ka bilaamay Diwaan galinta Ciidammada Daraawiishta.

Gudiga dib uhabaynta Ciidammada oo uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda ahna Gudoomiyaha gudiga Mudane Xasan Shire Cabdi oo ay weheliyaan Wasiirka Amniga iyo DDR Dawladda Puntland Mudane Cabdisamad Maxamed Gallan, Taliyaha Ciidammada booliska Puntland Gen Cabdi Xasan Xuseen iyo Taliye kuxigeenka Ciidammada Difaaca Puntland Gen Axmed Cali salad Faarax ayaa booqaday Taliska Ciidammada.

Gudoomiyaha gudiga Mudane Xasan Shire Cabdi oo la hadlay Saraakiisha iyo Ciidammada daraawishta qeybta 60aad ayaa waxaa uu sheegay in ay muhiimad weyn uleedahay howsha tirakoobka ciidammadu jiritaanka Dawladnimada Puntland.

Sidoo kale Wasiirka ayaa Ciidammada u sheegay in Wasaaradda Maaliyaddu ay heegan ugu jirto sidii Ciidammadu u heli lahaayeen xuquuqdooda.

Qaybo ka mid ah Saraakiisha iyo Ciidammada oo la hadlay gudiga ayaa sheegay in ay ku farax san yihiin diwaan galinta si ay u helaan xuquuqdooda una gutaan waajibaadkooda shaqo.

Waxaa xusid mudan in horey loogu guulaystay tirakoobka booliska iyo Asluubta Gobolka Mudug waana talaabo guula oo horay loo qaday


Puntlandes.com

About The Author