Daawo sawiradan oo arag halka ay ku shiraan Golaha wasiirada Puntland?

Soomaalidaa waxay tiraahdaa “tiisa daryeelaa mid kale ku dara” waxqabadka madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas waxaa muraayad u ah halka xafiiska u ah ama uu martida ku qaabilo, ama ay ku shiraan golihiisa Wasiirada.

Akhriste bal barbardhig Puntland ta Gaas Somaliland ama Jubaland tii shalay la sameeyey, ama Galmudug oo ah maamul xaafad ka mid ah magaalada Gaalkacyo Xafiisyada ay leeyihiin.

Akhriste iswaydii Canshuurta reer Puntland bixiyaan wado laguma dhiso, Ceel biyo laguma qodo, Mushuhaar laguma bixiyo, wax kale oo shacaka reer Puntland loogu qabtaana maba jirto halkee ayey ka baxdaa? ma jeeb shaqsi mise?

Akhriste soo ma fiicna in madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ka xishoodo ileen waa loo jeedaaye in uu ku abaal sheegto mashaariicdii ay ka tagtay dawladii ka horeysay ee uu madaxweynaha ka ahaa Dr Faroole sida Goroomada Bosaso iyo Garowe iyo wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Garowe, Daawo videowgan daqiiqada?

Daawo aad xaqiiqda argtee

Soow ma fiicna iyana in uu Gaas iska daayo wax ay Beesja Caalamka ugu deeqday Puntland in uu yiraahdo anaa qabtay? Aaway lacagtii faraha badnayd ee Canshuurta looga qaaday Shacabka Puntland? yaa qaatay? yaa cunay mise sida Gobolka Mudug ay u cunaan KOOC`XDA GAADAYARE ayuu xaalku yahay qaataye qaado!!

Akhriste daawo sawiradan oo isbarbar dhig?

1785
Hoolka Golaha wasiirada Puntland ku shiraan

 

1787
Hoolka Golaha wasiirada Puntland ku shiri jireen 10sano ka hor

 

 

1790
Hoolka Golaha wasiirada Somaliland ku shiraan

 

1789
Hoolka Golaha wasiirada Jabland ku shiraan
1788
Hoolka Golaha wasiirada Galmudug ku shiraan

Puntlandes.com

About The Author