Dhagayso: Kooxdii Prof Galayr oo afhayeen u noqday Dam Jadiid ”Puntland ha lagu soo reebo Gobolada Nugaal iyo Gari”

56

Wasiirka Warfaafinta ee maamulka Prof Galayr ee fadhigiisu yahay Toga Ergo’an Axmed Maxamed Xasan ayaa ka hadlay Maamulka loo Samaynayo ”Gobollada dhexe” ee Dalka Soomaalia

Kooxda Galayr oo maalmihii u dambeeyey ku milmay Kooxda Dam Jadiid ee calankeedu sii dhacayo aana lahayn waqtigan tabar iyo taag siyaasadeed ayaa ku dooday in aysan Macquul ahayn in Magaalada Gaalkacyo labo maamul ka arimiyaan iyadoo sida la ogyahay Qorshahaasi Puntland Wadato, waa sida ay hadalka u dhigeen kooxda Galayr e.

Kooxda Galayr ayaa waxay ku sii dooday in ay iyagu u hogaansamayaan meeshii lagu daro iyagoo sidaas oo kale u soo jeediyey dawlada Puntland. Waxayna intaas ku sii dareen in Puntland aqbasho wax walba oo ay soo jeediso Dam Jadiid sida ay iyagu diyaarka ugu yihiin.

Dawlada Puntalnd ayaa waxa ay jirtaa ku dhawaad 17 sano iyadoo ah dawlad dhan walba ka hana qaaday inkastoo Soomaalida ay dhaqan u noqotay in la isku mashquulo oo lugta la isku dhago.

Dhagayso


Puntlandes.com

About The Author