Akhri Digreeto: Madaxweynaha DFS oo kala diray Golaha Adeegga Garsoorka

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kala diray Golaha Adeegga Garsoorka kaddib digreeto ka soo baxday xafiiskiisa.

Xeer Madaxweynaha lr. 08
KALA DIRID GOLAHA ADEEGGA GAROORKA Taariikh: 11/03/2015

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA F.S
MARKUU ARKAY: Qodobada 4aad iyo 87aad ee dastuurka Kumeelgaarka ah

MARKUU ARKAY: Qodobka 143aad ee Dastuurka Kumeelgaarka ah:

MARKUU GAROWSADAY: Baahida loo qabo in la dhiso gole adeeg garsoor oo waafaqsan qodobka 109A ee Dastuurka

MARKUU ARKAY: Sharci lambar 28 ee soo baxay 8/7/2014 ee Dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka

MARKUU TIXGELIYAY: Cabashada joogtada ah dadweynaha ee Cadaalad darada baahsan

MARKUU TIXGELIYAY: Danta guud ee Cadaaladda

Wuxuu xeeriyay

Qod. 1aad
Laga bilaabo taariikha uu Madaxweynaha saxiixo xeerkan waxaa la kala diray Golaha Adeegga Garsoorka Dalka ee aan dhismahiisu waafaqsaneyn Dastuurka Kumeelgaarka ah iyo Sharciga dhismaha Golaha Adeegga

Qod. 2aad

Xeerka ma saameynayo Guddoomiyaha Maxkamadda sare iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo iyagu xafiis ahaan uga mid noqonaya Golaha Adeegga Garsoorka.

Qod.3aad

Xukuumadda iyo Golaha Shacabka waa inay si deg deg ah u soo dhameystiraan Dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka

Digreetada ayaa waxaa ku saxiixnaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Digreeto Madaxweyne

 

Puntlandes.com

About The Author