Sawirro-muuqaal: Madaxweyne Deni oo safar ugu ambabaxay dalka Kenya

02 Okt 2020 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa safar ugu ambabaxay magaaladda Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Madaxweynaha ayaa muddo bil ah u joogay Muqdisho jiheynta Dalka marxaladda kala guurka ah iyo sidii ay wakhtigeeda ugu dhici laheyd doorasho la isla ogolyahay, taasi oo lagu guuleystay in la go’aamiyo lana ansixiyo iyadoo xalayna lasoo dhameystiray soo gudbinta habka, guddiyadda, habraaca iyo jadwalka doorashadda.

Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ayaa marwalba dadaal joogto ah ku bixisa dhismaha Dowladdnimada Soomaaliya iyo ka gudbinta dalka marxaladdaha kala duwan, Safarkii Madaxweynaha ee Muqdisho iyo shaqadii wanaagsaneyd ee uu halkan ka qabtayna waxay qeyb ka tahay sida Puntland ay masuuliyadd isaga saartay masiirka dalka.



Puntlandes.com

About The Author