Sawirro: Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo ayaa lagu soodhaweeyey Gudoomiyaha Gobolka Mudug

13 Okt 2020 (Puntlandes)  Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo ayaa lagu soodhaweeyey Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif muuse Nuur.

Gudoomiyaha oo safar dalka dibadiisaa ku maqnaah ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Cabdulaahi yuusuf ee magaalada Gaalkacyo ku Soodhaweeyey, Gudoomiye ku Xigeenka 1aad ee Gobolka Mudug Xasan Cabdulaahi Warsame iyo Gudoomiyeh ku xigeenka 2aad ee Gobolka Mudug Maxamed Xasan Waloore, Duqa Degmada Gaalkacyo Saahid Maxamud Cali, Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka, Agaasimayaal, Bahda Ciyaraha, Odoyaal, Dhalinyaro, Ururada Haweenka iyo Bulshada Qaybaheeda kala duwan.

 


Puntlandes.com

About The Author