Sawirro-muuqaal: Wasaaradda Amniga Galmudug oo Barlamaanka Galmudug horgeysay hindise sharciyeedka dhismaha ciidamada Booliiska Galmudug.

13 Okt 2020 (Puntlandes) Wasaaradda Amniga Dawladda Galmudug Axmed Macalin Fiqiayaa maantay Barlamaanka Galmudug horgeysay hindise sharciyeedka dhismaha ciidamada Booliiska Galmudug.

Wasiirka Amniga oo samaynayey bandhigga akhriska koowaad ee hinise sharciyeedka ayaa sharaxaad faahfaahsan ka bixiyey baahida ay Galmudug u qabto sharcigan gaar ahaan waqtigan la joogo oo ay wasaaraddu ku hawllan tahay dhismaha ciidamada amniga Galmudug oo ay ka mid yihiin Boolisku.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay asagoo cuskanaya heshiis dhexmaray dawladda federaalka ah iyo dawladaha xubnaha ka ah Federaalka kaasoo ka dhacay Baydhabo 24 Juun 2016 in lagu jaangooyey qaad dhismeedka cusub oo ay yeelanayaan ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo noqonaya laba heer oo kala ah heer federaal iyo heer dawlad goboleed, mid walbana uu yeelanayo sharci Booliis oo u gaar ah, kan heer federaal ahna laga ansixinayo barlamaanka federaalka, kan heer dawlad goboleedna laga ansixinayo barlamaanada dawlad goboleedyada”



Puntlandes.com

About The Author