Sawirro-muuqaal: Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo qaabilay wafdi uu hogaaminaayo wakiilka UN ka u qaabilsan arimaha Soomaaliya

14 Okt 2020 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo kuso dhoweeyey Wafdi uu Hogaaminayey Wakiilka Qaramada Midoowey uqaabilsan Arimaha Soomaaliya James Swan ay qeyb ka ahaayeen Wafdiga Wakiilada EU Nicolas Berlanga,Midowga Africa Francisco Madeira iyo IGAD Jamaal Xaaji Axmed.

Soo dhoweyn ka dib Madaxweynaha iyo Xubno katirsan Golaha Wasiirada Taliya Qeybta 60aad CXDS iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada ayaa xafiiska kulan kula qaatay Wafdiga maanta baydhabo soo gaaray Waxaana ay kawada Hadleen Arimaha Doorashooyinka,Xiriirka Dowlada Federaalka iyo Dowlada koonfur Galbeed,Xoojinta Amniga Xiliga kala guurka, Arimaha Gargaarka iyo ka hortaga Cudurka Covid19.

Wakiilada ka kala Socday Besha Caalamka ayaa Bogaadiyey Doorka Madaxweyne Cabdicasiis lafta gareen ku lahaa qabsoomida Shirkii looga hadlayey Arimha Doorashooyinka ee udhaxeyey Madaxda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ee sideedii Septemar 2020 heshiis loo dhanyahay laga gaaray sido kale Madaxda ayaa Amaanay Dadaalada uu ku bixinayo Madaxweynaha Wanaajinta Xiriirka Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada si looga miradhalo Hiigsiga Shacabka Soomaaliyeed oo ah Hormar iyo Amni Sidoo kale Wafdiga ayaa Madaxweynaha kala hadlay sidii loo xaqiijin lahaa Amniga Goobaha la qorsheeyey inay Doorashada ay ka dhacdo.

James Swan wakiilka Qaramada midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu yiri ayaa ku amaanay Lafta-gareen kaalintii uu ku lahaa kulamada Muqdisho iyo kuwii ka horeyey ee Dhuusamareeb looga hadlayey Habsame usocoda Arimaha Siyasadeed ee Soomaaliya oo Doorashooyinka ugu Horeyso,

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa sheegay kulanka uu laqaatay Wakiilada Beesha Caalamka inuu ahaa mid looga hadlayey Dardargelinta Heshiisyadii Muqdisho lagu so gebigebeyey ee ahaa Arimaha Doorashooyinka sidii Waqtigeeda uqabsoomi lahayd.



Puntlandes.com

About The Author