Sawirro: Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Garowe ku soo bandhigtay wax ka badalka Sharciga cusub Dowladaha Hoose ee Law Number-7

24 Okt 2020 (Puntlandes) Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland oo magaalada Garowe ku qabatay shir lagu soo bandhigiyo wax ka badalka Sharciga cusub Dowladaha Hoose ee Law Number-7 ,iyo xoojinta Nidaamka Wada shaqeynta Gobalada, Degmooyinka, iyo soo-jeedinta Qorshaha Fog ee Machadka Dowladdaha Hoose(LGI).

Shirka Waxaa kasoo qeyb galay qaarkamida Gudoomiyaasha Degmooyinka, Gobaladda, Xoghayaasha Dawladdaha Hoose, Iskuduwayaasha Gobalada, Masuuliyiin kasocotay Machadka Dowladdaha Hoos, Gudoomiyaha Haayadda Maamul wanaaga Puntland l, Bahwadaagta Wasaaradda, iyo latiyaasha iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland.
Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Dhabancad oo ay Wehliyaan Masuuliyiinta Wasaaradda ayaa Daahfuray Shirka wuxuuna shirka socon doonaa muddo 7-Cisha ah.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland ayaa dhawaan qaybin doonta sharciga cusub ee Dowladdaha Hoose ee law-7 ayadoona lagaarsiin doono dhammaan Gobalada iyo Degmooyinka Puntland.


Puntlandes.com

About The Author